xubno holac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubno holac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubnoholac
m.l (-ooyin ..., m.l) Holac ku dhaca kala goysyada jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubinholac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin-holac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Halamacoodka xubno kalagoyska mid ama ka badan astaamihiisu: barar, kuleyl, xanuun iyo dhaqaaq la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuf-xubnoholac
m.l (daaw.) Nooc xubnoholac, kan labaad ee ugu badan cudurrada tufta waxa ka horreeya lafoxubnoholac (osteo artritis) waxay gaar ahaan saameysa xubnaha faraha, xubin isgoyska gacanta iyo dhudhunka, lugaha, canqowyada, miskaha iyo garbaha: xubnoisgoysyada si siman ayaa labada dhinacba cudurku ugu dhacaa waana kala silloonyihiin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUBNOOLE
(Hubnole) N Polygonum acuminatum H.B.K. Polygonaceae.
N Acalypha lanceolata Willd. Euphorbiaceae.
S Ecbolium violaceum (Vahl) Hillcoat & Wood. Acanthaceae.
S Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Ruellia patula Jacq. Acanthaceae.
S Leucas urticifolia R. Br. Labiatae.
N Commelina albescens Hassk. Commelinaceae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tube Hole
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubindhac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer holac
m.l (daawo) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beer holac
m.l (daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqoholac
m.l 1. (daawo) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daawo) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalqoholac
m.l 1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iyo wixi lamida. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqoholac
-a: (magac, lab, keli) halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda. Dh: quman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin dhac
m.l (-bno ..., m.l) (daawo) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.